Ciidamada ammaanka ee Puntland oo kaashanaya kuwa Galmudug ayaa qabtay Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), oo ahaa maxbuus dil ku xukunnaa ka dib markii uu ku qirtay dilka wariye Jamaal Farax Aadan oo lagu dilay magaalada Galkacyo 1-dii Maarso 2024.
Sida ay sheegeen saraakiil boolis oo ka tirsan Puntland, Sayloor ayaa lagu qabtay nawaaxiga degmada Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayey muddo bilo ah.
Sayloor ayaa horey uga mid ahaa afar maxbuus oo ka tirsanaa Alshabaab kuwaasoo ka baxsaday xabsiga Galkacyo 5-tii Agoosto 2024, xilli ay sugayeen fulinta xukunka dilka ah. Baxsashadooda ayaa dhalisay walaac ballaaran oo la xiriira ammaanka xabsiyada iyo isku xirka hay’adaha ammaanka heer gobol.
Wararka ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu Sayloor ku wareejiyey Puntland kadib markii la qabtay, taas oo muujinaysa kororka iskaashiga amni ee u dhexeeya labada maamul.
Inkastoo Sayloor lagu helay dambiga dilka wariyaha, haddana sanadkii hore ayuu muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay inuusan waligiis ka tirsanayn Al-shabaab, isaga oo beeniyay eedeymaha loo haysto.
Kooxdii ay isla baxsadeen ayaa raadin ka dib Puntland u suurtagashay in toogasho wadareed lagu fuliyo.
HBN ONLINE TV