Wafdi sare oo ka socda Ciidanka dalka Masar ayaa gaaray magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle, iyaga oo fulinaya howlgallo kormeer ah ka hor inta aysan ciidamadooda ku biirin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wafdigan oo ka kooban 16 sarkaal ayaa Jowhar waxaa ku soo dhoweeyey Taliyaha Guutada AUSSOM ee Burundi, Koloneel Oscar Hatungimana, xarunta Sector 5, halkaas oo ay ka qiimeeyeen xaaladda ammaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Inta uu wafdigu joogo gobolka, waxaa la qorsheeyay in ay kormeeraan xarumaha dejinta iyo saadka ciidanka Masar ee loo diyaariyey ama la banaynayo. Sidoo kale, ciidamada Masar ayaa loo qorsheeyay in gacanta ay ku hayaan goobaha laga saarayo Ciidamada Burundi ee ku sugan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo isku dubaridka iyo wax-ku-oolnimada ciidamada Masar ee ku biiraya howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
Joogitaanka ciidamada Masar ee Hirshabeelle ayaa muujinaysa rabitaanka Masar ee ka qaybgalka Howlgalka AUSSOM iyo xoojinta saameynteeda gudaha Soomaaliya.
Arrintani waxaa loo arki karaa farriin ku wajahan Itoobiya, maadaama ciidankeeda ay joogaan gobolka Hiiraan, taasoo ka tarjumaysa tartanka saameynta milateri iyo siyaasadeed ee gobolka.
Sidoo kale, Masar waxay gacanta ku hayn doontaa goobaha laga saarayo ciidanka Burundi, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahan muhiim ah oo saameyn ku leh amniga iyo Soomaaliya, tan Gobolka.
HBN ONLINE TV