Ciidamada Mamaulka Jubbaland oo soo bandhigtay qaraxyo ay soo qabateen

Ciidamada maamulka jubaland oo howl galo kala duwan ka sameeyay deegaano hoostaga gobolka jubada hoose ayaa sheegay in ay soo saareen miinooyin kooxda al shabaab ku aaseen wadooyinka oo ay qorsheynayeen iney ku waxyeeleeyaan shacabka deeganadaasi.

Waxa howlgalka fuliyey Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan Guutada labaad ee ka howlgasha deegaanada Janaa Cabdalle ilaa Harboole waxa ayna sheegeen in ay fashiliyeen miinooyin ay ururka Alshabaab la damacsanaayeen sida ay tilmaameen dadka rayidka ah.

Wadooyinka laga soo saaray ayaa si maalinla ah u isticmaala gadiidka shacabka iyo kuwa dowladda, waana ku muhiim u ah isku socodka deegaanada gobolka Jubbada Hoose.

Mudooyinkii u dambeeyay deeganada maamulka jubaland waxa ka socday howlgalo ka dhan ah kooxda Alshabaab, iyada oo ay fulinayeen ciidamada xoogga dalka oo kaa shacanaya kuwa Jubbaland howlgalo kala duwan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed