Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayo Taliye Sandheere Xasan Aadan, ayaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Howlgalka ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday goobo lagu tuhunsanaa inay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, taasoo keentay in lagu ballaariyo howlgallada lagu baadi goobayo saldhigyada iyo fariisimaha kooxda.
Taliye Sandheere Xasan Aadan oo ka hadlay howlgalka ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen. “Waxaan ku guuleysanay inaan burburino goobihii ay ka howlgali jireen Al-shabaab,” ayuu yiri, isagoo carrabka ku adkeeyay sida uu waxtar u yahay howlgallada lagu carqaladeynayo dhaqdhaqaaqyada kooxaha Al shabaab.
Howlgalka ayaa ka dhigay nawaaxiga degmada Buurhakaba xaalad kacsanaan ah, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo duleedka degmadaasi, waxaana la soo dhoobay ciidamo.
Howlgalka Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagula dagaalamayo saameynta iyo dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ee Soomaaliya. Guusha laga gaaray howlgalkan ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay uga go’an tahay ciidamada ammaanka Soomaaliya ilaalinta shacabka iyo ilaalinta nabadda gobolka.
Iyadoo xaaladdu ay socoto, ayaa waxaa la filayaa in ciidamada ku sugan furimaha ay sii joogteeyaan weerarada ka dhanka ah Al shabaab, si ay uga hortagaan fal kasta oo aargoosi ah ama dib u soo cusboonaashada dhaq dhaqaaqyada Al Shabaab.
HBN NEWS DESK

