Ciidamada Kenya oo Waqooyi Bari ku qabtay dad loo haysto ugaarsi duurjoogta ah oo mamnuuc ah

Ciidamada dowladda Kenya, gaar ahaan kuwa ilaalinta duurjoogta, ayaa howlgal ay ka fuliyeen Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ku qabtay koox dad ah oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen sida la sheegay ugaarsi sharci-darro ah.

Dadkan la qabtay oo gaaraya 6 ruux ayaa lagu helay caddeymo muujinaya falal ugaarsi oo ka dhan ah duurjoogta la ilaaliyo, iyadoo wararku sheegayaan in ay wateen hilib xoolo duurjoog ah iyo qalab loo adeegsado ugaarsiga. Raggaan la soo bandhigay ayaa sawirada laga soo qaaday muujiyeen jawaan uu ku jiray hilib iyo madax gari oo loo badinayo inuu yahay duurjoogta ay xubnahaan soo ugaarsadeen.

Mas’uuliyiinta ciidamada Kenya ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta xayawaanka duurjoogta ah, kuwaas oo halis ugu jira dabar-go’ sababo la xiriira ugaarsi aan sharciyeysneyn.

Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in la horgeeyo maxkamad, iyadoo la marsiin doono sharciga dalka Kenya ee la xiriira ilaalinta duurjoogta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed