Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya gaar ahaan kuwa difaaca iyo Booliska ayaa howlgallo ballaaran ka wada deegaanka Basuba ee keymaha Boni , kadib markii dagaalyahano Al-Shabaab ah ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ay ku leeyihiin deegaanka Lamu, waqooyi Bari dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 12 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ay weerarka ku lug lahaayeen, balse ciidamada ammaanka ay si degdeg ah uga jawaabeen, iyagoo fashiliyey sida hadalka loo dhigay weerarkaas, isla markaana bilaabay raad-raac iyo howlgallo lagu baacsanayo kooxihii weerarka soo qaaday.
Mas’uuliyiinta gobolka Lamu, oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Wesley Koech ayaa shacabka ugu baaqay inay nabadda ilaashadaan ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, Sida ay ku soo warantay warbaahinta gudaha.
Waxaa la sheegay in xaaladda hadda ay tahay mid deggan balse ay weli socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada si loo xaqiijiyo ammaanka deegaanka.
HBN ONLINE TV