Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo mar kale Alshabaab ka qabsaday deegaan Istiritaaji ah Shabeellaha Dhexe

Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka Macawiisleyda ayaa dib ula wareegay deegaanka Istiraatiiji ah ee Geel-gub ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, ka dib markii dagaal xooggan ay ku qadeen Alshabaab oo halkaasi fariisin ku laheyd.
Deegaanka Geel-gub, ayaa waxa uu u dhaxeeyaa deegaanka Masaajid Cali Gaduud Iyo tuuladda Xaaji Cali, Islamarkaana hoos taga degmo Xeebeedda Cadale ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay saakay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay deegaanka Geel-gub si ay u dhibaateeyaan sida hadalka loo dhigay dadka shacabka ah.

Khasaare dhimasho ah ayaa laga soo wariyey dagaalka deegaanka Geel-gub oo soo gaaray Alshabaab sida lagu sheegay warka dowaldda Soomaaliya, iyane ma sheegin in dhankooda waxa khsaare ah ee soo gaaray.

La wareegistan deegaanka Geel-gub ayaa ku soo aadaya xili dib ay u bilowdeen howlgallada ka dhanka kooxda Alshabaab, waxaana labadii maalin ee la soo dhaafay lagala wareegay Ruun-Nirgood & Aboorey ee gobolada Sheellaha dhexe iyo Hiiraan.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed