Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay guriga hooyooyinka ee Muqdisho

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka la wareegay amniga Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ay xireen qaar ka mid ah haweenka halkaas fadhigoodu ahaa.

Iyadoo muddooyinkii dambe ay taagnayd doodda la xiriirta in Xukuumadda Federaalka ay dalbatay in dhismahaas ay ku shaqeyso Wasaaradda Arrimaha qoyska & Xuquuqul-Insaanka ayaa diidmo waxay kala kulmeen xubno ka mid ah ururka Haweenka Soomaaliya oo ka hor yimid.

Ciidamada ammaanka oo wata gaadiidkooda ayaa xiray isu socodka dhismahaas iyaga oo dadka qaar u diiday sida aan xog ku helnau in ay gudaha u galaan ama uga soo baxaan maadaama ay halkaas ka wadaan howlgal.

Dhamaadka Sanadkii hore Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi ayaa ka dalbaday in ururku ku wareejiyeen guriga dowladda xilli uu ka hadlayey goob xil wareejin ka dhacaysay. Guddoomiyaha ururka oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay xiligaas in dacwad ka dhan ah u gudbisay Maxkamadda gobolka Banaadir

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed