Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa guulo muhiim ah ka sheegtay howlgallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan galbeedka magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Alshabaab.
Howlgalladan oo si wadajir ah ay u fulinayeen Gorgor iyo cutubyo kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa ka dhacay deegaannada Bacadka Faarax Aadan iyo Ceel-deegaan, halkaas oo ciidamada ay burburiyeen sida hadalka loo dhigay xarumo ay Alshabaab ku lahayd halkaasi, isla markaana ay ku dhibaateyn jireen shacabka deegaanka.
Taliye ku xigeenka ururka 6-aad ee Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Laba Xiddigle Salaad, ayaa sheegay in howlgalka lagu beegsaday goobihii ay kooxdaasi gabaad ka dhiganaysay, ayna ciidamada ku guuleysteen in ay burburiyaan xarumo istaraatiiji ah oo ay Al-Shabaab ka soo abaabuli jirtay weerarrada.
“Howlgalkaan oo si hufan loo qorsheeyay, ayaa lagu burburiyey baro ay maleeshiyaadka Khawaarijtu ku dhibaateynayeen shacabka deegaanka, iyadoo ciidanku ay muujiyeen geesinimo, feejignaan iyo xirfad sare.,” ayuu lagu yiri warka Ciidamada.
Saraakiisha ciidamada ayaa intaas ku daray in howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan kooxda, laguna burburiyey agab militari iyo gaadiid ay ku adeegsan jireen dhaqdhaqaaqyadooda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga xaqiijinayo amni iyo xasillooni buuxda gobollada dalka, gaar ahaan kuwa ay weli kooxdu ku dhuumaaleysanayso.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku baaqay in shacabka deegaanka ay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay siiyaan xogaha ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada kooxda si loo dardar-geliyo dagaalka lagu ciribtirayo.
HBN ONLINE TV