Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay koox ku eedeeysan dilal kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jira sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka ka jira  magaalada Muqdisho, waxaana ay gacanta kusoo dhigeen 4-ruux oo lagu eedeeyay in ay dilal ka geysteen magaalada caasimada ah.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Booliska, Eedeysanayaasha ayaa loo heystaa dilal siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka Muqdisho. War-saxaafadeedka ayaa lagu faahfaahiyey haybta eedaysanayaasha iyo faahfaahinta dembiyada lagu soo oogay.

Eedeysane Daa’uud Bashiir Calow ayaa loo heystaa dacwad la xiriirta dilkii Marxuum Sayid Cabdi Muuse oo ka dhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Alifle, C/raxmaan Maxamed Cali iyo C/qaadir Maxamed Xasan ayaa loo heystaa dilka Aweys Xuseen Jeylaani oo ka dhacay degmada Xamarjab.

Eedeysane Maxamed Cabdi Maxamed ayaa loo heystaa dilka C/llaahi Abuukar Yuusuf oo ka dhacay degmada Dayniile.

Eedeysane Yuusuf Cali Macow ayaa loo soo qabtay dilka Maxamed Axmed Nuur oo ka dhacay degmada Hiliwaa.

Booliska Soomaaliya oo isticmaalaya xogta laga soo aruuriyay kaamirooyinka ku xiran caasimadda oo dhan ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay soo qabashada eedeysanayaasha.

Kooxdaan ayaa lagu wadaa in Maxkamad la horgeeyo maalmaha soo aaddan, muddooyinkii dambe ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigayay shaqsiyaad kala duwan oo dilal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed