Ciidamada Dowladda oo weerar ku qaaday fariisimo Alshabaab ku lahaayeen Mudug.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashaaya duwa deegaanka ayaa saaka weerar ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen kooxda Alshabaab oo ku yaalaya koonfur galbeed degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga oo sheegay in howlgalka laga fuliyey dhulka howdka ah ee deegaanka Baraag Cali-Gaduud oo qiyaastii 45-km dhanka koonfur galbeed degmada Xaradheere, iyada oo saraakiisha huggaaminayey ciidamda ay tilmaameen in ugu daateen sida hadalka u dhigeen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen xubnahan ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Sida oo kale saraakiisha ayaa carrabaabay in horey u hayeen xogta xubnahan joogay deegaanka, waxaana howlgalka qaatay sid ay tilmaameen in jab culus lagu gaarsiiyey weerarkii saaka kooxda halkaasi ku sugneyd, sida oo kalane hub iyo saanad ciidan ay gacanta uga dhhigeen.

Axmed Cali Guure oo ka mid ah hogaanka saraakiisha ciidanka deeganka ee qeybta ka ahaa weerarkii saaka ayaa sheegay wa siduu hadalka u dhigay ” in guud ahaan goobahaas gacanta ay ku hayaan ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed” sida oo kalena xubno ka tirsan Alshabaab sida uu tilmaamay in lagu sii baaacsanayo dhulka howdka ah, goob kasta oo ay galaanna ay Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ay ugu hortagayaan.

Weerarkan lagu qaaday fariisinta Alshabaab ayaa ku soo aadaya, xili deegaanno badan oo Galmudug iyo Hirshabeelle ka tirsan uu ka socdo abaabul ka dhan ah kooxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed