Ciidamada dowladda oo sheegay in ku dhawaad 10 Alshaab ah ku dileen Jubbada Hoose

Taliska ciidamada dowladda ee deegaanada Jubbaland oo howgal galo waday labadii maalin ee ugu dambeysay ka waday deeganadaas ayaa ka warbixiyey howlgal lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab iyo degmooyin ay kala wareegeen, sida uu sheegay sarkaal ka mid ah saraakiisha huggaaminaya Ciidamada.

Taliyaha qeybta 43-aad ee CXD G/sare Nuur Mahad Xasan ayaa sheegay in jidgal ay ku sameeyeen xubno ka tirssan kooxda Alshabab Ciidamada dowladda oo ku socdaalayey wadada xiriirisa Janaay Cabdalle iyo Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose in xubno badan ay kaga dileen gaara 7, oo ku jireen madaxa koox qoraxyada iyo kan caafimad oo unugtaasi hugaamiyey.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegeen in hub fara badan ay ka furteen, ayna CXD ay weli sii wadaan howlgalada ka dhan ah Alshabaab.

Ciidamada dowladda ayaa ka dalbaday shacabka soomaaliyeed si garab ay ugu noqdaan ciidamada dagaalka kula jira Kooxda Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed