Ciidamada dowladda oo sheegay in ay burburiyeen fariisimo Alshabaab oo ku yaala Baay iyo Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay maanta ka fuliyeen deegaanno dhaca xadka gobollada Baay iyo Bakool in ay ku burburiyay goobo ay xubno ka tirsan Alshabaab ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka oo la tilmaamay in uu ahaa mid qorsheysan ayey Ciidanku ka sameeyeen deegaannada Ceelshariif, Mooro-Busle iyo Ceel-Mareere oo ku yaala inta u dhexeysa degmada Bardaale, iyo deegaanka Goof-guduud Buurey,waxaana ay Ciidanka Xoogga dalka ay sida hadalka u dhigeen ay cagta mariyeen saldhigyo Alshabaab ay ku dhuumaaleysanayeen.

Taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka laba xidigle Axmed Maxamed Nuur ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidanku ay ku guuleysteen in ay shacabka ka dulqaadaan siduu hadalka u dhigay dhagartii iyo isbaarooyinka Alshabaab ee dhulka howdka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed