Wararka ka imaanaya degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar saaka aroortii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ka fuliyeen ay kula wareegeen, ka dib markii howlgallo ka dhan ah Al-shabaab lagu ekeeyey xaruntii ay halkaasi ku lahaayeen.
Howlgalka inta uu socday, Ciidamada dowladda ayaa halkaasi ku burburiyey goobo ay Alshabaab ku lahaayeen degmada Ruun Nirgood, iyada oo la carrabaabay in lagu daba jiro xubno firxad ah, sida aan ka soo xiganeyno duqa degmada.
Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe Macallin Muxudiin Kulmiye oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii saakay ka dhacay gudaha magaalada ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Ciidamada dowladda ay la wareegeen degmada, ayna hadda ku sugan yihiin xarunta looga taliyo magaalada iyagu.
“Xaruntii ay sugnaayeen ayaa la weeraray, waa laga saaray, waana lagala wareegay, hadda waxaa lagu jiraa howlgalkii baacsigooda” ayuu u sheegay raadiyaha dowladda Soomaaliya Guddoomiye Kulmiye.
War subaxnimadii hore ee maanta dowladda ka soo saaray dagaalka ayaa lagu yiri “Ciidamada, oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, kuwaas oo hadda firxadkooda la dabajoogo”.
Sidoo kale, Waxaa jiro khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo illaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta ay gaarsiisan tahay.
Ruun-nirgood oo ah Degmo in mudda ah ay Maamulayeen Alshabaab ayaa saaka dib waxaa ugala wareegay Ciidamada dowladda oo garabsanaayay Ciidamada deegaanka.
HBN ONLINE TV