Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay sarkaal dhanka maaliyadda u qaabilsanaa Alshabaab Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen waxaa lagu sheegay in lagu dilay xubin muhiim ah oo ka tirsaan kooxda Alshabaab, ka dib lagu bartilmaameedsaday deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubintan la dilay oo howlgalka lagu dilay fuliyeen Ciidamada Xoogga qeybtooda 14-ka Octoobar ayaa la sheegay in kooxda uu u qaabilsanaa waxa loogu yeero Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Beledul-amiin ee degmada Afgooye.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaasi oo la carrabaabay in uu dhibaato ku hayey Shacabka ku nool tuulooyinka hoostaga deegaannada Sabiid iyo Beledul-amiin, si gaar ah dadka beeraleyda ah oo la tilmaamay in uu si khasab ah wax ugu qaadi jiray.

Warkan ka soo baxay Ciidamada ayaa lagu yiri “Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhagarqabe Daa’uud shartiisa ka horleexiyay Shacabka Soomaaliyeed, kuna Khaarijiyay deegaanka Beledul-amiin”.

Ciidamada Xoogga ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la’ oggalaan doonin cid kasta oo qeyb ka ah dhibaateynta shacabka, lana aqbali doonin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed