Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo qorshaysan ka fuliyay deegaan istiraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Cumar Beere iyo hareerihiisa, si looga saaro kooxda Alshabaab oo halkaas ku lahayd sida hadalka loo dhigay isbaarooyin iyo saldhigyo hubaysan.
Howlgalka ayaa ahaa mid qorshaysan oo sida la carrabaabay si taxadar leh loo fuliyay, iyadoo la adeegsanayay xeelado milateri oo lagu xaqiijinayo amniga ciidamada iyo shacabka deegaanka.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu sababay in gebi ahaanba laga saaro Alshabaab deegaanka Cumar Beere, taasoo dib u soo celisay xasilloonida iyo amniga ee dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa hore uga cabanayay joogitaanka Alshabaab, kuwaas oo marar badan ku qasbi jiray sida hadalka loo dhigay in ay bixiyaan lacago marka ay jidka maraan, iyagoo sidoo kale cabsi gelin jirey ganacsatada iyo dadka deegaanka. Shacabka ayaa ku amaanay tallaabada ciidamada, iyagoo sheegay in ay kordhisay kalsoonida bulshada ee dowladnimada iyo awoodda ciidamada ee ka hortagga argagixisada.
Howlgalka Cumar Beere waxaa lagu tilmaamay guul istiraatiiji ah oo muhiim u ah gobolka Shabeellaha Hoose, maadaama uu meesha ka saaray halis weyn oo ku haysay shacabka, ganacsiga, iyo isu socodka dadka ee deegaanka.
HBN ONLINE TV