Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isaga baxay deegaanno istaraatiiji ah oo ku yaal Shabeellaha Dhexe iyo AS oo bilaabay dhaqdhaqaaq

Wararka ka imaanaya jiidaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay isaga baxeen deegaano dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo waramayaa in ay faarujiyeen deegaanka Xawaadley iyo tuulooyinka hoos yimaada dowlad goboleedka Hirshabelle, halkaasi oo hadda laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaanada hoostaga degmada Balcad ay soo buux dhaafiyeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu arkayay aagga Xawaaldey. Arintaan ayaa cabsi xoogan ku abuurtay dadka deegaanka, iyadoo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah deegaanadii markii hore Al-Shabaab looga adkaaday wajigii koowaad ee dagaalka socda. Si kastaba ha ahaatee waxaa weli socda howlgallada ay wadaan ciidamada DF-ka iyo kuwa Macawiisleey, kuwaasi oo la doonayo in lagu sugo amniga iyo xasiloonida gobolka.

Ka bixitaanka ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee deegaanadaasi ayaa ku soo aadaya xili xaalada amaan ee gobolkaasi ay tahay mid aad u kacsan. Joogitaanka Al-Shabaab ee deegaanka ayaa walaac ku beertay dadka deegaanka oo hadda cabsi ka qaba in ay dhacaan rabshado iyo xasilooni darro.

Iyadoo xaaladu ay tahay mid sii socota ayaa la arki doonaa sida ay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada huwanta ah uga jawaabi karaan khatarta Al-Shabaab ee ku soo korortay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgallada ka socda deegaannadaas ayaa ah kuwo muhiim u ah sugidda amniga iyo xasilloonida, waxaana ka bixitaanka ciidamada ee dhowaan ay hoosta ka xariiqeen caqabadaha ay dowladda Soomaaliya kala kulantay dagaallada ay kula jirto Al shabaab.

Dhowr jeer oo hore, ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ayaa ka baxay deegaanno iyo degmooyin ku yaal maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug, isla markaana kooxdu ay dib ula wareegtay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed