Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Arbaca ah ay isaga baxeen xaafadda Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaankan oo sannadkii hore laga saaray Al-shabaab ayaa ah deegaan muhiimad gaar ah leh marka la eego halka uu ku yaal, wuxuuna ku yaallaa hareeraha Wabiga Shabeelle.
Ciidamada ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay tuulooyinka Shanlow, Dhagaxow iyo kuwa kale oo dhamaantood dhaca duleedka deegaanka Xawaadley.
Dadka deegaanka Xawaadley ayaa ka baqdin qaba in halkaasi uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al shabaab.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabeelle iyo Taliska ciidamada Soomaaliya oo ay kaga hadleen sababata ka dambeysa in ciidamadu ay ka baxaan deegaankaas, arrintan ayaa imaaneyso xilli horay deegaanno iyo degmooyin laga saaray Kooxda Al shabaab, ay dib uga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
HBN NEWS DESK