Waxaa si xooggan u socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah kooxda Alshabaab, kuwaas oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleeyda gobolka Hiiraan, kuwaas oo ujeedkoodu yahay sidii ay markale ula wareegi lahaayeen degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Deegaanada hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari oo xoog leh, iyadoo ciidamada is-kaashanaya ay si qorshaysan ugu sii siqayaan fariisimaha Alshabaab.
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka General Sahal Cabdullaahi ayaa si wadajir ah u hoggaaminaya abaabulka dagaalka, waxayna ciidanka ku dhiirrigeliyeen adkaysiga iyo naf-hurnimada ay ugu jiraan difaaca dalkooda, booqashooyin kala duwan ku bixiyeen dhowr degmo oo gobolka ah.
Taliye Sahal ayaa sheegay in uu booqday furimaha hore si uu u bogaadiyo ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee wada dadaalkooda halgan, isagoo saraakiisha faray in la xoojiyo gulufka milatari ee lagu beegsanayo kooxda Alshabaab.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi uu dhawaan shaaciyay in si degdeg ah looga sifeyn doono sida uu hadalka u dhigay Alshabaab guud ahaan gobollada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.
HBN ONLINE TV