Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo kuwa Jubbaland, kaas oo sababay khasaare kala duwan iyo xanibaado. Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii ciidamada Jubbaland ay qabteen booyad biyo u sidday sida la tilmamaay ciidamada DFS ee ku sugan xerada UK. Falkaas ayaa si degdeg ah u kiciyay iska horimaad, iyadoo labada dhinac ay horayba ugu sugnaayeen magaalada iyagoo is hor fadhiyay.
Sida laga soo xigtay goobjoogayaal, ciidamada dowladda ayaa la wareegay xarunta degmada, taliska Booliska, iyo xarunta NISA ee Beledxaawo. Xaaladda magaalada ayaa ah mid degan caawa, hadane waxaa istaagay isku socodkii shacabka & waxbarashadii, sidoo kalena dad badan ay u barakaceen duleedka magaalada. Kani, waa dagaalkii saddexaad ee toos ah ee u dhaxeeya labada ciidan, tan iyo markii uu magaalada yimid Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan 22-kii bishaan, isagoo DFS u xilsaartay amniga gobolka Gedo.
Muuqaal ay warbaahintu heshay ayaa muujinaya Cabdirashiid Janan oo ku sugan gudaha magaalada, gaar ahaan xarun caafimaad, lana hadlaya ciidamo gacantooda soo galay oo qaarkood dhaawac ah.
Xogta ku jirtay muuqaalkiisa oo si furan codkiisa loo fasaxay ayuu ku eedeeyey maamulka Jubbaland inay fowdada magaalada ka socota, inkasta oo aanu sheegin si buuxda ay gacanta ugu dhigeen Beledxaawo. Beledxaawo oo ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa wajahaysa xaalad adag, iyadoo dagaalku uu saameeyay adeegyadii aas-aasiga ahaa, islamarkaana isgaarsiinta iyo isku socodkii dadka ay go’een, taas oo cabsi hor leh ku abuurtay shacabka.
Janan oo ka hadlay go’naanta isgaarsiinta ayaa sheegay in siyaabo qalday magaalada loo soo galiyey 10-kun oo Kaarar isgaarsiineed oo dibadda ah, maadama ay tan Kenya soo gaarto, iyadoo tii gudaha dalka la xanibay. Wuxuu taasi ku sheegay arin foolxun. Jubbaland weli kama hadlin arintaan.
HBN ONLINE TV