Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka gaar ahaan Booliiska iyo kuwa Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka NISA ayaa rasaas ku kala eryay Bajaajley ku dibadbaxaysay isgoyska Kiilo-mitir 4 ee Magaalada Muqdisho.
Wadayaasha ayaa ka cabanaya lacag kordhin Dowladda ay ku sameysay qiimaha lagu qaato ruqsadda oo la gaarsiiyay $200 taasi oo ay sheegeen in culeys ku tahay, marka la eego muddada ay ka shaqeynayaan bishii oo ah 15 cisho sida ay hadalka u dhigeen.
Maamulka gobolka ayaa sheegay in cabashada wadayaasha gaadiidka mooto bajaajta ay guddi u saareen, sida oo kalena aan la aqbaleyn wax bannaanbax ah sida uu sheegay guddoomiyaha amniga iyo siyaasadda maamulka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).
Ciidamada amniga ayaa sheegay in aan la ogaleyn xirnaashaha wadooyinka muhiimka ah, taasi bajaajlayaashu dibadbaxoodu sababay in uu xirmo laamiga mashquulka badan ee KM-4. Qaar ka mid ahaa wadayaasha dibad baxa ka qaybta ahaa oo warbaahinta la hadlay ayaa xasiga loo taxaabay.
Shalay waxa ay sidoo kale bannaan cabasho ah ka dhigeen Waddada Makka Al-Mukarrama waxaana la kulmay sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya isla markaana sheegay in uu wakiil ka yahay Taliyaha qaybta Booliiska.
Maanta ayuu mar kale dibadbax kale ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee KM4, muuqaallo lasoo dhigay baraha Bulshada waxaa ka muuqday qaar kamid ah Dibadbaxayaasha oo hareereeyay gaari kamid ah kuwa ciidanka Booliisku wateen.
Daqiiqado ka dib waxaa goobtii dibadbaxyadu ka socday ka billowday rasaas ay rideen ciidamo katirsan Hay’adaha ammaanka, Dadkii dibadbaxayay ayaa goobtii ku kala cararay waxaana dib usoo laabtay isusocodka Gaadiidka.
HBN ONLINE TV

