Ciidamada dowlada oo howlgallo ballaaram ka sameeynaya waddooyin istaraatiiji ah oo isku xira magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ilaa Muqdisho

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa maanta kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamadii dhawaan la wareegay xeryihii ay baneeyeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hadda wada howlgallo xoojin ah sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ujeedka ayaa ah in ciidamada ay xaqiijiyaan ammaanka waddooyinka muhiimka ah, islamarkaana ay fuliyaan weeraro ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. Saraakiisha hogaamineysa ciidamada ayaa tilmaamay in ay gaareen deegaano horudhac ah ayna isku furi doonaan  wadooyinka Balcad iyo Jowhar si amaanka loo xaqiijiyo.

Deegaanada u dhaxeeya labadaan magaalo ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay isu socodkii tooska ahaa ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo Hirshabeelle.

Xaalada deegaanka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyada ciidamada iska soo horjeeda laga dareemayaa nawaaxiga degmada Balcad, halkaasoo ciidamada dowladda ay u dhaqaaqeen.

Iyadoo ay jiraan caqabado dhanka ammaanka ah, ayaa hadana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in ay ka go’an yahay in laga adkaado Al-Shabaab, waxa ayna taasi lagu micneyay sida ay dowladda Soomaaliya iyo xulafadeeda uga go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab ee dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed