Ciidamada AUSSOM & Danab oo howlgal ka dhan Alshabaab ka fuliyey gobolka Shabeellaha dhexe

Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo wadajir ah ka fuliyey degmada Buurfule ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu baarayey goobo lagu tuhunsanaa in Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

Talisyada howlgalka hoggaaminaysay ayaa xaqiijisay in jidadka Buurfule iyo Jowhar ay u furan yihiin dadweynaha iyo gaadiidka, ayna haatan yihiin kuwo ammaan ah. Taliyaha ku xigeenka Howlgalada Burundi ee AUSSOM, Major Claver Nsengiyumva, ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay tahay in la xoojiyo xasiloonida, lana ilaaliyo nabadgelyada bulshada deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray in iskaashiga milateri iyo wadaagga sirdoonka ee u dhexeeya AUSSOM iyo Ciidanka Ammaanka Soomaaliyeed ay yihiin furayaasha lagu wiiqi karo qorshayaasha Alshabaab ee gobolka. “Howlgalkan waa qayb ka mid ah istiraatiijiyadda AUSSOM ee lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarinta nabadda,” lagu yiri bayaanka AUSSOM.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay ciidanka AUSSOM ayaa lagu muujiyey in howlgallada noocan ah ay qeyb ka yihiin dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga guud ahaan Shabeellaha Dhexe, iyada oo la filayo in la sii wado howlgalada isku xiran si loo dardar geliyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed