Howlgalka dhamaadka ah ee Nabad ilaalinata midowga Afrika ee ATMIS ayaa si rasmi ah ugu wareejiyaey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya saldhiga magaalada Buurgaabo ee ee gobolka Jubada Hoose, kaasi ku dhow xadka Kenya.
Saldhiggan oo ay wareejiyeen Ciidamada Kenya ee katirsan ATMIS ayaa qeyb ka ah wejiga seddexaad ee soo gabagabeynta Ciidamada midowga Afrika ka socda.
Taliyaha ciidamada ATMIS Corneyl Suleymaan Ibraahim ayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka u sheegay in taageeradooda ay diyaar u yihiin, ka dib marka ay mas’uuliyadda amniga saldhigaas ay u gacan galiyeen ciidamada qaranka Soomaaliya.
Wuxuu ku ammaanay Ciidamada Kenya iskaashiga ay la leeyihiin ciidanka XDS si loo xaqiijiyo nabadda & xasilloonida Jubaland.
Guddoomiyaha degmada Badhaadhe, Gen. Maxamed Ibraahim Faarax ayaa ammaanay sida ay uga go’an tahay xasilloonida gobolka ciidamada midowga Afrika, isaga oo ku dhiirigalisay Ciiamada xoogga dalka in ay sii wadaan sida uu hadalka u dhigay guulahaas la gaaray.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socday saraakiil kala duwan oo ATMIS ka soacotay, ciidamada qaranka Soomaaliya iyo xafiiska qaramada midobey ee awoodii hoos loo dhigay.
HBN ONLINE TV