Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyey weerarkii Hotel Hayat

20, August 2022

Wacaal Cusub: Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa soo afjaray dagaal 12 saac ka socday hotel ku yaal magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay weerar rasaas iyo qaraxyo ku qaadeen xooggaga Al Shabaab.

Ilo wareed ka tirsan laamaha ammaanka ayaa u xaqiijiyey HBN TV in la laayay maleeshiyadii hotel-ka ka dagaalamaysay isla markaana al soo badbaadiyey dad aad u badan oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka oo ay ku sheegteen inay ku dileen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada.

Baraha bulshada ayaa la soo dhigay sawirada dad ku geeriyooday weerarka, balse illaa iyo hadda ma xaqiijn karno wararkaasi.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed