Ciidamada ammaanka ee magaalada Mogadishu ayaa kala eryay banaanbax kooban oo ka dhacay laamiga Isgoyska Soobe, kadib markii dad sitay boorar ay ku qornaayeen ereyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya halkaasi tageen, kuwaas oo loo adeegsaday fariimo siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda.
Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir ayaa xakameeyay bannaanbaxa, kana hor istaagay inuu ku fido waddooyinka kale ee caasimadda.
Ilo madaxbannaan ayaa sheegay in bannaanbaxan uu ahaa mid abaabulkiisa ka dambeeyeen, islamarkaana ay ku lug lahaayeen xubno ka tirsan qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda.
Weli hay’addaha ammaanka kama aanay hadlin dhacdadaan, inkasta oo aan wax gacan ka hadal ah dhicin, lana soo warin wax khasaare ah oo jira.
Sida ay horay u sheegeen mucaaradka, waxay bannaanbax dadka magaalada isu soo baxayaan ku asteeyeen 4-ta bisha soo socota ee Juun, ayna sheegeen inay noqon doonaan kuwo lagu taageerayo dadkii hore ee dowladdu ka saartay guryo ay deganayaan Muqdisho.
HBN ONLINE TV

