Ciidamada Ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay labo dagaalyahan oo ka tirsan Daacish isla markaana ka badbaaday duqeyn uu fuliyay Mareykanka

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo Ajaanib ah oo ka tirssn ururk Daacish, kuwaasi oo ay sheegeen inay ka bad baden duqeyn uu Mareykanku ka geystay Waqooyi Bari Soomaaliya todobaadkii hore.

Sida lagu sheegay bayaan ay ciidamada PSF ay soo saareen , raggan oo lagu kala magacaabo Imran Mohamed Calawi iyo Mabruuk Nassor Saidi ayaa u dhashay dalka Tanzania. Ciidamada ayaa raggan ka soo qabtay meel 30 KM u jirta halka uu weearku ka dhacay, kadib markii ay heleen xog iyo dabagal ay sameeyeen ciidamada PSF.

Duqeyn cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa lagu dilay saddex dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish oo ka dhacay deegaan ku dhow Dhardaar, oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur bari ka xiga Magaalada Boosaaso, todobaadkii hore.

Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa xaruntooda ugu weyn ku leh deegaanada Puntland ee Waqooyi Bari ku yaal, waxaana mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed