Ciidamada ammaanka ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu bam gacmeed ku tuuray masjid ku yaalla xaafad ka tirsan magaalada Baydhabo Sabtidii lasoo dhaafay.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u fududeeyeen in ninkaasi lagu soo qabto hawlgal amni, haatanna uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska Baydhabo.
“Ciidamada ammaanka ayaa markiiba gacanta ku soo dhigay ninkaasi falka uu dhacay, waxaana shacabka ka codsanayaa inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago wax kasta oo ammaanka wax u dhimaya.” Ayuu yiri Sarkaalkaasi.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkan dambe soo hagaagayay kaddib markii ay kordheen howlgallada ciidamada ee lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.
HBN NEWS DEDSK