Ciidamada ammaanka maamulka SSC Khaatumo oo gacanta ku dhigay eedeeysanyaal loo heysto inay Laascaanood ku dileen wiil dhalinyaro ah

Wadooyinka magaalada Laascaanood ayaa waxaa hakad galiyay rabshado ka dhacay magaalada, iyadoo maamulka uu ka jawaabayay toogashada lagu dilay C/qaadir Haaruun Cabd Xaafid oo 26 jir ahaa. Ciidamada Booliska oo dadaal ugu jira sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay falkaasi, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen laba nin oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka kadiska ah ee wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska SSC Khaatumo, falkan ayaa subaxnimadii hore ee Jimcihii ka dhacay magaalada Laascaanood, halkaas oo ay si naxdin leh ugu dileen laba eedeeysans  C/qaadir Haaruun Cabd-khaafid, dilkaan ayaa dil ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaana marxuum C/qaadir Haaruun Ca/xaafid oo 26 jir ahaa ku dhashay magaalada Laascaanood.

Dad goob joogayaal ah ayaa ka sheekeeyay dhacdo naxdin leh iyadoo tuhmanayaasha la sheegay in ay iska horyimaadeen dhibanaha, iyagoo toogtay ka hor inta aysan magaalada uga cararin gaari Probox ah. Si kastaba ha ahaatee,  eedeeysanayaasha ayaa gacanta lagu dhigay, waxan aad u soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan magalaada Laascaanood ee xarunta SSC Khaatumo.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed