Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee maamulka ayaa soo bandhigay kartoomo khamri ah oo la doonayay in la galiyo gudaha deegaannada maamulka Puntland kuwaas oo ku jiray goob qarsoodi ah ka hor inta aanan la qaban, sida ay xogta ku heleen ciidamada ammaanka kadibna howlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay.
Goobta lagu soo bandhigay khamriga ayaa waxaa goobjoog ahaa Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) iyo Sarakiil kale, kuwaas oo faah fahain kooban ka bixyay howlgalka lagu soo qabtay Maandooriyahan, isla markaana warbaahinta la wadaagay.
Saraakiisha ayaa daaha ka qaaday ay in khamriga oo tiradiisa ay gaareyso 487 dhalo lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo, xilli lagu soo dhex qariyay gaarm qorshuhuna uu ahay in si dhuumaaleysi ah loo geeyo goobo horay loo qorsheyay.
Saraakiisha ayaa intaas raaciyay in rugii ku lugta lahaa arrintan ay baxsadeen balse ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu baadi goobayo sidii gacanta loogu dhigi lahaa, waxayna sheegeen in garab lagu siiyo soo qabashada eedeysanayasha baxsadka ah.
HBN NEWS DESK