War ka soo baxay Taliska ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaan PMPF ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku soo qabteen Hub sharcidaro ah, gaadiidkii wadey iyo 4 qof oo lagu tuhunsan yahay inay hubka wateen, kuwaas oo si dhuumaalaysi ah kusoo gelinaayey magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.
Hubkan oo isagu jira noocyo kala duwan ayay ciidamadu dhammaantood gacanta ku dhigeen, waxaana uu hawlgalku kusoo dhammaaday guul,sida lagu sheegay warka ciidamada PMPF Taliskooda Bosaso ka soo baxay.
Si kastaba, Puntland ayaa dhowr jeer soo bandhigay hub ay ku sheegtay sharci darro oo la soo galiyey deegaannada kaddib howlgallo ay sameyen ciidamada ammaanka.
HBN NEWS DESK