Ilo milatari oo Suudaaniyiin ah ayaa u sheegay warbaahinta in ciidanka Suudaan ay horumar cusub ka sameynayaan koonfurta magaalada Al Fashir, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur, iyada oo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF ay madaafiic ku garaaceen galbeedka magaalada.
Ciidanka ayaa horey u sheegay in ay bartilmaameedsadeen goobaha ay isku uruursadeen RSF ee ku yaal dhanka koonfur-bari ee Al Fashir, iyaga oo khasaaro dhanka dadka iyo hantida ah gaarsiiyay. Waxay intaas ku dareen in RSF ay diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ee drones kusoo weerareen Al Fashir, balse aysan wax bartilmaameed muhiim ah gaarin.
Dhinaca kale, ilo maxalli ah oo Sudani ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaallo u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo kuwa RSF ay ka socdaan galbeedka magaalada El Obayid, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Kordofan ee bartamaha Suudaan. Ilo wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in rasaas laga maqlay qeybo kala duwan oo ka mid ah magaalada.
Dhanka kale, wariyayaal booqaday xaafadda Muqrin ee caasimadda Khartoum ayaa intii ay ku sugnaayeen halkaasi waxay sheegeen in arkeen burbur weyn oo soo gaaray goobaha ugu waaweyn ee magaalada, taasoo ay sababtay colaadda ka socotay mudada labada sano ka badan. Xogta la duubay ayaa muujisay burburka dhismayaal calaamad u ahaa dowladda, sida Bangiga Dhexe ee Suudaan iyo Hall-ka Saaxiibtinimada.
Hoggaamiyaha xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo oo loo yaqaano Hemedti, ayaa markii ugu horreysay qirtay in ciidankiisu ay dib uga gurteen Khartoum, taasoo hadda si buuxda gacanta ugu jirta ciidanka militariga Suaudan.
Hemedti ayaa farriin cod ah oo uu soo dhigay barta Telegram ku ballan qaaday in ciidankiisu ay mar kale si xooggan ugu laaban doonaan Khartoum, isagoo yiri: “Waxaan idiin xaqiijinayaa inaan ka baxnay Khartoum, balse haddii Alle idmo, waan kusoo laaban doonnaa annagoo ka xoog badan sidii hore.
Tan iyo bishii Abriil ee sanadkii 2023-kii, ciidanka Suudaan iyo xoogagga RSF ayaa ku dagaallamayay dagaal dhiig badan ku daatay, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo qof.
Dagaalkan wuxuu sababay qaxootinimada ugu weyn adduunka, macluul baahsan iyo barakac, iyadoo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah ay ku qiyaaseen in qiyaastii 15 milyan oo Sudanese ah ay barakaceen ama qaxooti noqdeen.
HBN Online TV