Canfarta oo weerar Dhimasho Sababy u geystay dad Soomaali ah

Koox hubaysan oo ka soo jeeda Qowmiyadda Canfarta ee Itoobiya aya maanta weerar dhismaho iyo dhaawac isugu jira u geystay 7 qof oo Soomaaliya oo ku safrayay wadada u dhameysa Awaashe ee tagta magaalada Addis ababa.

Seddex ruux ayaa la sheegay in ay dhinteen oo uu ku jiro nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Khadar Cilmi Cige, kaasi oo ka mid noqday dadka la dhintay, halka laba oo dhaawac tahay.

Waxaa la sheegay labada Muwaadin ee kale in ay ka boodeen gaariga, ilaa hadane aan laheyn nolol iyo geeri toona.

Todobaadyadii ugu dambeeyey waxaa dagaal adag ka dhex taagnaa Qowmiyadaha Canfarta iyo Soomaalida ee xuduudka wada dega.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed