Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay maalinta qowmiyadaha. Wuxuu ka codsaday Dadka Itoobiyaanka ah inay “isu yimaadaan oo u midoobaan nabadda, danta qaranka iyo inay mid noqdaan”.
Xafladan ayaa sanad walba la xusaa.
Xuska sanadkan ayaa lagu qabtay magaalada Hosa’ina ee bartamaha dalka Itoobiya iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul wasaare Abiy lama maqal cidda uu u la jeedo cadowga, muuqaal lala wadaagay warbaahinta gudaha.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Itoobiya ayaa ereygan ku tilmaamaya dalalka ay u arkaan inay cadow ku yihiin Itoobiya.
Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo ay sii xoogeysatay xiisadda kala dhexeysa Eritrea ee ku aaddan sheegashada badda ee Itoobiya.
Xataa ka dib markii ay Itoobiya dhamaystirtay biyo xidheenka GERD ka dib 14 sano oo dhisme ah, waxaa dhawaan soo ifbaxay xiisadda Masar.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aysan dib u wadahadli doonin Itoobiya “kaddib 13 sano oo wadahadallo ah oo aan miro dhal ahayn”.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo arrintaas ka jawaabaya ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu si kulul ugu dhaliilay Masar inay isku dayayso inay abuurto dalal hoos yimaada Koonfur Afrika.
Hbn Online Tv

