Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdikashuur Warsame, oo ka mid ah xubnaha mucaaradka Soomaaliya, ayaa si adag u dhaliilay doorashada golayaasha deegaanka ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ay dhaawac weyn u geysatay sida uu qabo rajadii iyo himilladii ay shacabka caasimaddu ka qabeen doorasho qof iyo cod ah.
Cabdiraxamaan oo si adag uga soo horjeeda siyaasadda dowladda hadda jirta wuxuu sheegay in doorashadu ahayd yididdiilo ay Soomaalidu sugayeen in ka badan 50 sano, balse wixii maanta dhacay uusan keenin sida uu hadalka u dhigay isbeddel dhab ah oo awoodda loogu celinayo shacabka.
Wuxuu doorashada ku tilmaamay “doorasho ku sheeg qof iyo Xasan Sheekh ah” waa sida uu qoraalkiisa u dhigaye, isaga oo carraabay in tani waxba ka beddeli doonin xaaladaha adag ee nololeed ee ay la tacaalayaan dadka Muqdisho.
Cabdiraxmaan Cabdikashuur ayaa ku doodayin mas’uuliyiinta maamulka magaalada, gobolka iyo degmooyinku ay sidoodii u sii joogayaan, isla markaana aysan istaagi doonin sida uu hadalka u dhiagy musuqmaasuqa, dhulboobka, barakicinta, xadgudubyada sharcidarrada ah iyo awood-ku-tagrifka. Wuxuu sidoo kale xusay in nidaamka garsoorka, cashuuraha iyo khidmadaha laga qaado shacabka aysan wax adeeg ah u soo celin doonin bulshada.
Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay in doorashadu aysan keeni doonin isla-xisaabtan, dabagal ama hay’ado madaxbannaan oo wax ka beddela xaaladda dalka, balse ay horseedi doonto oo keliya sida uu qabo soo bixitaanka 390 xildhibaan oo degmooyin ah oo aan lahayn awood sharciyeed, miisaaniyad ama mushahar, kuwaas oo uu ku eedeeyay in loo adeegsanayo weji qurxin siyaasadeed oo lagu xoojinayo xukunka Madaxweynaha Soomaaliya.
Horay dowladda ayaa ugu dooday in wax dan ah ka lahayn arimaha doorashada, balse ay dooneyso in xaquuqda ka maqnayd shacabka dib loogu celinayo, inkasta oo ay eedeymo kala duwan u jeedisay siyaasiyiinta mucaaraadka ah.
HBN ONLINE TV

