Mukhtaar Roobow Cali Wasiirka Awqaafta & arimaha Islaamka XFS iyo culumo awdiin kale oo shir jaraa’id qabtay maanta ayaa iyaga oo garab istaag u muujinaya Ciidamada Dowladda ee dagaalka ka wada gobollada dalka ayaa sheegay in Muqdisho aanay noqon doonin magaalooyinka Kaabul iyo Dimishiiq.
Wasiir Roobow ayaa carrabaabay in dagaalka lagu jiro uusan ahayn mid dowladda kaliya saaran, balse uu yahay waajib saaran dhammaan shacabka Soomaaliyeed, si loo helo dal xasilloon oo xor ka ah kooxaha Al-shabaab.
Kaabuul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore” ayuu yiri, isaga oo tusaalahaan u soo qaatay aragtiyo uu sheegay inay ka imaanayaan kooxda, kadib markii dalalka Ciraaq iyo Suuriya la wareegeen kooxaha wadaniyiin ah.
Sidoo kale, Culimada shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Alshabaab kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka kooxdaasi sida hadalka ay u dhigeen in Alle loogu dhawaanayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii looga sifeyn lahaa dalka Kooxda, iyadoo ciidanka iyo shacabka deegaannada Hirshabeelle ay guulo waaweyn ka sheegteen inay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
HBN ONLINE TV