Burburin guryo dad rayid ah oo ka socda Ceelasha biyaha

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan burburin lagu wado guryo dad deganyihiin shacab ah, waxaana sawiro laga soo qaaday ay muujiyeen oo la sheegay in ay yihiin kuwa laga barakicinayo.

Muuqaalo lagu baahiyey barta kulanka wadaagga Bulshda ayaa muujinaya gawaarida Cagafka oo duminaya dhisma guri jiingad ah iyo dhawaqa rasaas dhaceysa iyo dad dhulka jiifa oo dad Waayeel ah ku jiraan.

Sida oo kale dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo ka amarqaata maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan burburinta iyo barakicinta, iyaga oo ku eedeeyey dhulkooda in dad kale loo boobayo sida hadalka ay u dhigeen.

Deegaanka Ceelasha ayaa dhanka koonfur Galbeed magalaada Muqdisho kaga beegan 16km.

Nin waayeela oo soo bandhigay warqad uu ku sheegayo lahaanshiyaha dhisma guri dhaxa oo uu lahaa ayaa tilmaamay in ciidamada ay gaariga cagaf ah ay dul mariyeen gurigiisii, isaga oo ilmaynaya.

“Aniga oo gurigeyga ku jira oo 83 sano jira ayaa guri dhagaxaa dhulka la iga dhigay, indhaheyga ilinnaa ku jirta, waa la i dhacay” ayuu yiri.

Ma jirto masuul ka hadlay dowladda Soomaaliya iyo Kan maamulka Koonfur Galbeed, iyada arintan ay dadka deegaanka ay sheegayaan in wax yeelo taban ay ku leedahay Bulshada guryahooda la burburinayo oo aan heysan hoy ay degaan.

Dhowr jeer oo hore arimo dhul xariira ayaa waxxa ay uga dhaceen gudaha Muqdisho, kuwaa oo ahaa dhul dowladeed balse dowladdu ku andacootay in ay u baahatay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed