Britain waxay isu diyaarinaysaa suuragalnimada dirista ciidamo Ukraine

Britain ayaa sheegtay inay go’aansatay inay u diyaariso $270 milyan oo doolar, si loogu maalgeliyo diyaar-garowga suuragalka ah ciidamo ay u dirto Ukraine, kaddib markii ay toddobaadkan ballan-qaadday inay ka qayb qaadan doonto ciidan caalami ah oo halkaas la geeyo haddii xabbad-joojin la gaaro.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Talaadadii ku heshiiyey inay soo saaraan bayaan arrintan ku aadan ka dib dhammaadkii shir ay yeesheen xulafada Ukraine, kaas oo lagu qeexayo suuragalnimada dirista ciidan mustaqbalka ah.

Intii uu booqasho ku joogay caasimadda Ukraine ee Kyiv Jimcihii, Xoghayaha Difaaca Britain John Healy ayaa sheegay in lacagta lagu bixin doono casriyeynta gaadiidka, nidaamyada isgaarsiinta iyo ilaalinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), sidoo kalena lagu hubin doono in ciidamadu diyaar u yihiin in la diro.

Ku dhawaaqista Britain ayaa timid saacado kaddib markii Russia qaaday duqeymo xooggan oo loo adeegdsaday gantaal hypersonic ah oo aad u xooggan, taas oo xulafada Yurub ee Kyiv ay ku tilmaameen isku day cabsi-gelin ah si looga hor istaago taageerada Ukraine.

Macron ayaa sheegay in Faransiisku ku biirin karo kumannaan askari ciidanka caalamiga ah ee Ukraine, si loo xoojiyo dammaanadaha amni ee la siinayo Kyiv. Britain weli ma shaacin tirada ciidamada ay diri doonto, iyadoo Starmer uu sheegay in qorshayaashu weli diyaarin ku jiraan.

Ruushka ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu beegsan doono ciidan kasta oo ay xulafada Ukraine geeyaan dhulka Ukraine, haddii loo diro dammaanad amni.

Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in cutubyo ciidan oo Reer Galbeed ah lagu tixgelin doono bartilmaameedyo sharci ah.

Horaantii toddobaadkan, xulafada Yurub ee Ukraine ayaa ku dhawaaqay inay ku heshiiyeen dammaanado amni oo muhiim ah shir ka dhacay Paris, balse Moscow ayaa diidday dirista ciidan nabad-ilaalin ah, iyadoo ku eedaysay Kyiv iyo xulafadeeda inay sameynayaan “xudun dagaal.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed