Boqolaal Kiish Bur dhacay ah oo Dowladda Soomaaliya Muqdisho ku gubtay.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya boqolaal kiish oo Bur dhacay ah oo laga soo saaray bakhaaro iyo goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho, ka dib howlgalo ay sameeyeen hay’addaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in arintan ay timid ka dib markii ay xogta burkan ay la soo wadaageen hay’adda Taya dhowr Soomaaliya oo ku howlan sidii ay u ilaaali laheyd baqdabka nolosha iyo caafimaadka Shacabka Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkan Muqdisho ku qabatay kunteenaro lagu waday raashin iyo dawooyin la sheegay in ay dhaceen oo la doonayey in sifo aan sharci aheyn dalka lagu soo galiyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed