Boqolaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo maanta liiska ciidamada dowaladda kaga biiray Raas-kambooni

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Boqolaal ka tirsan ciidan ka tirsanaa daraawiishta Jubaland oo maalmahan si isdaba joog ah ugu biirayey ciidanka xoogga dalka ka bilowday diiwaangelintooda deegaanka Raaskambooni, si ay u helaan sida hadalka loo dhigay xuquuqda ciidanka XDS.

Ciidamadan oo loo diray sida ay tabisay wakaaladda SONNA inay la dagaalamaan xoogga dalka ayaa qaatay diidmo ka dhan ah danaha siyaasadeed ee looga horgeynayo dowladooda.

“Waxaan ka mid ahaa saraakiisha ka soo xarootay Jubaland ee loo soo diray inay calankooda xabadeeyaan, waa diidnay, go’aankeena maaha inaan calanka Soomaaliya xabadeyno, 14-sano ayaan u shaqaynayey Jubaland wax xuquuq ah ma lahayn” ayuu yiri Khadar Cali Ibraahim oo ka mid ah ciidamada maanta la diiwaangeliyey.

Labadii todobaad waxaa ciidamada Jubbaland ka baxyayey tobanaan askar iyo saraakiil oo deegaanka Raas-kambooni ku tagay dhanka Badda iyo Dhulka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed