Taliska Booliska Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo degdeg ah kadib markii maanta baraha bulshada lagu faafiyey muuqaal argagax leh oo muujinayay jirdil iyo tacadiyo loo geystay oday waayeel ah, falkaas oo ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka magaalada Muqdisho.
Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi), ayaa xaqiijiyey in afar askari oo dhacdada ku lug lahaa la soo qabtay, halka kuwo kale wali lagu daba jiro. Wuxuu caddeeyay in dhammaan ciidamada ku eedeysan ficilkaas lagu horgeyn doono maxkamad, si cadaaladda loo waafajiyo.
“Waxaan soo xirnay 4 askari oo ka mid ahaa cidii gaysatay dambigaas jirdilka ahaa ee adeer, inta maqanna waan ku soo dari doonaa, Maxkamadna waa la horgeyn doonaa,” ayuu yiri taliye Mahdi.
Taliyaha ayaa dhacdada ku tilmaamay mid aad u foolxun oo dhaawac ku ah sumcadda Booliska Soomaaliyeed, isagoo xusay in ciidamada falka gaystay ay awood sharci ah u lahaayeen inay odayag waayeelka ee kasoo muuqday muuqaalka jirdil ah ay si nabad ah ku soo xiri kareen, balse ay doorteen waddo khaldan oo jirdil ah.
Sidoo kale, Taliye Mahdi ayaa digniin adag u diray shacabka la socda siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku eedeeyay sida uu hadalka u dhigay inay shacabka ku kicinayaan si ay u adeegsadaan dano siyaasadeed.
“Wallaahi kuwa idin shirinaya ee banaanbaxa gala idin dhahaya ee hay’addaha ammaanka idinka horkeenaya, dan idiin ma wadaan. Waxaa ku jira kuwii 20 sano ka hor aniga igu qanciyey in aan qori qaato oo dowladda la hor istaago, iyagoo dano gaar ah leh oo ujeeddadoodu ahayd inay madaxtinimo ku gaaraan,” ayuu yiri taliye Mahdi.
Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ah oo ka hadlay falkaan sida madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in magdhow la siiyo dadka la dhibaateeyey, halka kuwa xaquuqdooda tabanaya la siiyo waxa ay leeyihiin, isagoo cambaareeyey falalkii ka dhacay magaalada.
Kiiskan oo si weyn u kiciyey shacuurta bulshada ayaa ku qasbay laamaha ammaanka Muqdisho inay sameeyaan isla xisaabtantan ciidamada si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo bulshada ay si dhow ula socon doonto sida la balan qaday talaabooyinka sharciga ee laga qaadayo askartaas.
HBN ONLINE TV