Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo kulan muhiim ah isugu yimaadeen hoggaannada iyo qaybaha kala duwan ee booliiska, ayaa toddobaadkan si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Kulanka oo uu guddoomiyey Taliyaha Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa falalka amni-darro ee ka dhanka ah Alshaabab, kuwaas oo doonaya sida hadalka loo dhigay inay ka fuliyaan weerarro magaalooyinka si ay isaga yareeyaan cadaadiska ciidamada ku haya furimaha dagaalka.
Taliyaha ayaa saraakiisha amniga faray in la laba jibaaro feejignaanta, isla markaana la xoojiyo wada shaqeynta dhex marta laamaha kala duwan ee amniga si looga hortago daldalool kasta oo ay Alshabaab kaga faa’iideysan karaan.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sugidda amniga, iyadoo ay socdaan howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee Khawaarijta ah.
HBN ONLINE TV