Booliska Soomaaliya oo sheegay in uu fuli doono go’aanka soo qabashada Axmed Madoobe

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay soo qabanayaan qof kasta oo maxkamed u jarto waraaq soo qabasho iyo horkeenida Caddaalada si waafaqsan sharciga u yaala, iyada oo ay hortaalo warqaad waaran soo qabasho Madaxweynaha Jubbaland.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska goboka Banaadir Mahdi Cumaar Muumin oo uu wehlinayay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Booliska Soomaliyeed ay fulinayaan waakhti kasta xukunnada ay soo saraan maxkamadaha dalka iyo qofkii eedeysane ah soo qabashadiisa.

Waxa uu tilmaamay in aan loo firinaynin qofka Maxkamadda ay xukunka ka soo saartay in uu yahay qof xil hayo ama xil hore soo qabtay, balse Booliska ay soo qabanayaan meelkasa oo uu joogo, iyaga oo sharciga hor keeni doona.

Sida oo waxaa uu sheegay in meelka kasta oo dalka gudihiisa ah ay ka soo qaban doonaan cidda waaranka looga siiyey, halka haddii uu ku suganyahay meel ka baxdsana dalkana ay u adeegsan doonaan Booliska caalamiga ah ee Interpol.

Booliska Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla warqad soo qabasho ah Axmed Maxamed Islaan Madoobe madaxweynaha Jubbaland oo Hay’adaha garsoorka dalka ugu eedeysan sida Qiyaano Qaran iyo dusinta ama gudbinta xog dalka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed