Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Asad Cabdullaahi ayaa booqday dhaawaca askari ka tirsanaa ciidamada Booliska oo uu ku dhawacay xildhibaan careysan maanta ayaa xarunta shirarka baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa.
Taliayaha oo si adag u cambaareeyay falka askarigaasi lagula kacay ayaa tilmaamay in uu ahaa mid xadgudub ah in xubno xeer dejiye ah ay ku kacaan fal noocaasi.
Waxaa uu sheegay taliye Asad in dacwad ka dhan xildhibaankii feeray Askariga loogu gudbin doono guddiga anshaxa ee baarlamaanka iyo xeer ilaalinta qaranka, si talaabo looga qaado.
“Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd” ayaa lagu warka ka soo baxay taliska Booliska.
Taliska Boliiska Soomaaliyeed ayaa bogaadin iyo dhiirigelin u diray askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyaga oo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda.
HBN ONLINE TV