Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucay “Carro Kaawada” laga qado xaafado ka tirsan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, iyaga oo sheegay in ay bulshada ka soo gaarayaan dhibaatooyin dhib u keenaya noloshooda.
Afhayeenka Booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qodiddaas ay keentay in ay ku waxyeelloobeen dad rayid ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in sharciga lala tiigsa doono cidii maanta kadib falkaan lagu arko.
“waxaa halkaan ku geeriyooday muwaadin Soomaaiyeed, laba kalana waa ku dhaawacantay kaddib markii uu soo dumay buur weyn, waxaan leennahay waa mamnuuc, waa la joojiyay carro lagama qodi karo”. ayuu yiri, Afhayeenka Booliska Cabdifitaax.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in dhammaan gaadiidleyda lagu amray in ay joojiyaan qodidda kaawada, isaga oo tilmaamay in qofkii lagu helo in uu kaawada qodaayo uu mari doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Horay ayey Boliiska Soomaaliya ugu soo saareen go’aan ah in la joojiyo in aan carro-kaawada laga qodi Karin aaggaas, iyaga oo markalena ka soo saaray digniino kaddib markii ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo deggenaa aggaas.

