Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku dilay Xubno katirsan Alshabaab

Booliiska Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad dhexmaray Ciidamo katirsan Kuwa Ammaanka Muqdisho iyo Koox hubeysan oo maanta ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaaac ah dhaliyey.

Ciidamo howlgal ka waday agagaarka goobta iska hor imaadku ka dhacay iyo Ragga hubeysan ayaa israsaaseyn dhexmartay waxaa ciidamada ammaanka u suuragashay in ay toogtaan labo ruux oo hubeysneyd, halka qof kale oo shacab ah uu ku dhintay goobta.

War ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnaha la toogtay ay doonayeen sida ay hadalka u dhigeen inay dilaan askar howlgal kaga jirta Waaxda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile.

“Dhagarqabayaasha la toogtay ayaa qorshaynayey inay dilaan askar ku jirtay howlgal amni xaqiijin ah oo ka socday Waaxda Ciise Cabdi ee degmada Deyniile. Askari ka tirsan Booliska ayaa ku dhaawacmay howlgalkaas” ayaa lagu yiri warka Booliska.

Sidoo kale, Ciidamada Booliska ayaa ragga la toogtay sheegay inay ku dagaalamayeen laba bistooladood oo Biljam ah.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobo baaris ka sameystay qaar ka mid ah Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ay ku hubiyaan Gaadiidka iyo Dadka la socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed