Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii maanta ka dhacay Xaafado u dhaw Jaamacadda Gahayr gaar ahaan qaybta Jiifka ilaa Ekis Kontorool, ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen askar la dagaalamay ciidamo wado furis sameynaysay.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen 12 askari oo saaka xabad kala hor yimid sida hadalka uu u dhigay Ciidanka Booliska oo shaqo qaran gudanayey.
Waxaa intaasi ku daray in Askartaasi 24 saac gudahood sida uu tilmaamay Maxkamadda lagu hor geyn doono.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday, halka ay dhaawacmeen saddex kale dagaalka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ciidamada wada dagaalamay oo dowladda ka tirsan ayaa kala ahaa Booliiska qaabka Militariga u tababaran iyo kuwa xoogga.
HBN ONLINE TV

