Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay dilkii naxdinta lahaa ee marxuum Gaashaanle Sare Cabdulkaadir Xuseen Cigaal, oo meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sarkaalka la dilay, kadib markii warar horey u sheegayeen inuu isdilay ay noqdeen kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Cabdifitaax ayaa intaa raaciyay in kiiskaas loo xiray 5 eedeysane oo si buuxda (100%) loogu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin falkan dilka ah.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo ballaaran oo amni lagu xaqiijinayo, kuwaas oo lagu qabtay kooxo looga shakisan yahay dilal iyo dhac ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda. Waxa uu xusay in falkii ugu dambeeyay uu ka dhacay degmada Xamarjajab.
Taliska Booliska ayaa ballan qaaday in ay si dhow ula socon doonaan baaritaanka, isla markaana caddaaladda la horkeeni doono cid kasta oo ku lug yeelata falalka amni-darrada ah ee Muqdisho ka dhaca.
HBN ONLINE TV