Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo si sharci darro ah u duubta muuqaallo iyadoo xiran dharka ciidamada qalabka sida, sidoo kalena ay dambi qaran ka dhigtay dadka lagu helo ku xad-gudub cid kale.
Afhayeenka Taliska Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in hay’adaha, shirkadaha, iyo shakhsiyaadka doonaya inay muuqaallo duubaan ay khasab tahay inay helaan oggolaansho, isla markaana dariiska Ciidanka aan loo adeegsan karin wixii kasoo hara danguud iyo xaflad qaran.
Sidoo kale wuxuu uga digay dadka si cad cid kale aflagaadeeya, isagoo carrababay inay waji doonaan garsoorka iyo maxkamaddaha dalka. Mulkiilayaasha goobaha lagu duubo muuqaallada iyo fariimaha kicinta bulshada ama khatar ku ah amniga dalka ayuu sheegay inay la kulmi doonaan tallaabo sharci haddii lagu qabto.
Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda Soomaaliya ee lagu ilaalinayo asturnaanta iyo sharafka ciidanka, iyo ka hortagga isticmaalka khaldan ee dharka militari.
HBN ONLINE TV