Ciidanka Booliska Somaliland oo faahfaahin ka bixiyey dil dhacay magaalada Hargeysa ayaa ayaa sheegay inuu ka dambeeyey isku dhac ku dhexmaray laba kooxood oo dhalinyaro ah gudaha degmada Maxamuud Haybe, iyagoo falkaasi kadib sameeyay howlgal degdeg ah.
Intii uu socday iska horimaadkaasi Booliska Somaliland ayaa sheegay in si naxdin leh goobta ugu geeriyooday Marxuum magaciisa lagu sheegay Khadar Axmed Nuur. Ciidanka Booliska ayaa carrabaabay in si dhakhso ah uga falceliyeen dhacdadaasi, iyagoo guul ku sheegay in ay gacanta ku dhigeen 14 eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen falkaasi dilka ahaa.
War saxaafadeedka Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay inay xaqiijiyeen in eedeysanayaashu haatan ku jiraan gacanta ciidamada, isla markaana loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharcigu u maro dariiqiisa.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa farriin u diray shacabka, gaar ahaan waalidiinta, isaga oo ku boorinaya in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa ubadkooda, si looga hortago dhacdooyin noocan oo kale ah oo lid ku ah nabadda iyo ammaanka bulshada.
HBN ONLINE TV